Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo ku baaqay in dagaalka Gaalkacyo la joojiyo

by wadani | Friday, Dec 4, 2015

Odayaasha-Gobalka-Hiiraan-6Beledweyne : HN :–Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble iyo gollaha odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Beledweyne, waxaa ay wax laga xumaado ku tilmaameen dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo, iyaga oo ugu baaqay dhinacyada iska soo horjeeda in ay xabada joojiyaan.

Ugaaska aya ku tilmaamay dagaallada magaalada Gaalkacyo kuwa nasiib darro ah oo wax laga faa’iidayo jirin, isaga oo intaa ku darray in looga baahan yahay hogaamiyayaasha bulshada guud ahaan haddii ay ahaan lahaayeen kuwa siyaasada dhaqanka iyo culimmada intaba in ay u istaagaan siddii looga hortagi lahaa dhiig danbe oo ku daa’da magaalada Gaalkacyo.

Odayaasha-Gobalka-Hiiraan-12Waxaa uu sheegay Ugaas C/raxmaan in shacabka aan xabad lagu maamuli karin, siddaa daraadeed looga baahan yahay dhinacyada iska soo horjeeda in ay yimaadaan aragti aan dagaal aheyn.

Ugu danbeyntii, Ugaas C/raxmaan iyo gollaha odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa ku booriyay madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug in ay u turaan dadka maatida ah ee ku dhimanaya dagaallada, kuwaa oo aan u qalmin in lagu dul-dagaallamo.

Hiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!