Ugaas C/raxman oo soo gabagabeeyay hishiis ay gaareen labadii beelood ee dhawaan ku dagaalamay Beledweyne

by admin | Saturday, Oct 24, 2015
DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

Beledweyne : HN :–Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa maanta ka qeyb-gallay munaasabad lagu soo xirriyay hishiis ay gaareen waxgaradka labo beelood oo dhawaan ku dagaallamay xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne.

Munaasbaada ayaa waxaa ka qeyb galay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif xubno ka rirsan Maamulka degmada Baladweyne odayasha dhaqanka Gobolka Hiiraan Saraakiisha Ciidamada iyo xubno kale.

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas khaalif ayaa u mahad celiyay odayasha dhaqanka Gobolka Hiiraan iyo odayasha labada dhinac ee dirirtu dhaxmaray sida xal looga gaaray khilaafkii uu dhexeyay labada dhinac.

Cumar Aadan Ibraahim Baadiyoow duqa magaalada Beledweyne  ayaa sheegay in bulshada ku nool Gobolka Hiiraan looga bahan yahay in ay ka shaqeeyna Nabad galyada, isago oo sheegay in Nabada aysan sugi Karin Ciidamada Milatariga iyo booliska haddeysan gacan ka helin bulshada ku dhaqan Baladweyne.

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

Dhalinyarro gaaraya 20 oo laga soo kala xullay labada beellood, ayaa goobta lagu dhaariyay, kuwaa oo la sheegay in wixii hadda ka danbeeya ilaalin doonaan suuqa dhexe ee xaafadda Howl-wadaag, iyaga oo si toos ah  ugu soo war-galin doonna laamaha ammniga cid kasta oo nabad-galyada qal qal ku ah.

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!