Ugaasyada beellihii ku dagaallamay Deefoow oo kulan yeeshay

by admin | Sunday, Dec 28, 2014

Beledweyne : HN :–Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble iyo Ugaas Gaarane Ugaas Aadan oo ka soo kala jeeda beello marar badan oo hore ku dagaallamay deegaannada Deefoow, Kabxanley iyo Jeereey, ayaa markii ugu horeysay ka wadda hadllay colaada labada beellood.

Kulanka labada dhinac oo ah mid uu ka soo shaqeeyay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif, ayaa siddoo kale waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaa guddoomiyaha gobolka Cabdifitaax Xassan Afrax.

Wadda hadal  kaddib kaddib ayeey soo saareen labada Ugaas hishiis dhowr qodob ka kooban oo u sii gogol xaaraya wadda hadal intan ka ballaaran oo laga gallo siddii loo soo afjari lahaa colaada loogana baaqsan lahaa dagaal danbe oo dhaca.

Qodobada lagu hishiiyay ayaa waxaa ka mid ahaa in la kala qaado xoogaga hubeysan ee isku hor fadhiyanabadeyn (4) deegaannadaas, lagana fogaado dagaal danbe oo dhaca, siddoo kalana la sii waddo wada hadallada labada dhinac ilaa laga gaarayo dib u hishiisiin dhab ah oo dhaxmarta labada beellood.

 Cabdifitaax Xassan Afrax guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan oo fududeeyay qasoomida fadhiga labada Ugaas iyo wax-garadka ku wehlinayay kulanka, ayaa sheegay in uu siweyn ugu faraxsan yahay kulanka iyo wadda hadallada bilowgga ah, isaga oo sheegay in sii socoshada dagaallada wax micno ah ugu fadhin dadka ku dhaqan deegaannadaas.

Colaada deegaanka Deefoow ee u dhaxeysa labada beellood ayaa lagu fasiraa in ay tahay salka ku heysa muran dhinaca lahaashaha dhulka ah oo qolo walba ay gaar u sheeganeyso, taa oo sababtay dagaallo marar badan ka dhacay deegaankaas in ay ku nafwaayaan tiro dad ah.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!