Ugaasyo ka tagay magaalada Beledweyne oo ku biirtay shirka Jowhar

by wadani | Monday, Oct 10, 2016

Jowhar : HN :-Waxaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe Ugaas Cali Ugaas Xassan Ugaas Raagge iyo Ugaas Cali Ugaas Muxumed Ugaas Shafeec oo ka mid ahaa duubabkii dhaqanka mudada ku dhaw sanadka ka soo horjeeday shirka maamul u sameynta labada gobol Hiiraan Sh/dhexe.

Gaar ahaan labada Ugaas ayaa marar badan oo hore ka soo muuqday kulamo iyo shirar jaraa’id oo ka dhacay magaalada Beledweyne oo ka dhan ahaan qorshaha dowladda dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Gaar ahaan Ugaas Cali Ugaas Shafeec oo ahaa afhayeenka duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa si is daba joog ah marar badan hore ugu cel celiyay in shirka ka socda magaalada Jowhar yahay mid [Xaaraan ah] oo laga fillan karin in ka soo baxdo natiijo xalaal ah, isaga oo ugu baaqay shacabka reer Hiiraan in ay sameystaan maamul iyaga u gaar ah.

dscn6077Laakiin maanta ayaa la arkayay Ugaas Cali oo taa badalkeeda shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar islamarkaana bogaadinayay shirka Jowhar ka socda  oo xiligan maraya heer gabo-gabo ah.

Ku biirista shirka Jowhar labo Ugaas Cali ayaa imneysa xili maanta magaalada Beledweyne ergo ka badan 400 ku ansixiyeen dastuurka dowlad gobolleedka Hiiraan State, halka maamulka Hirshabebeelle ee dhismihiisa loo fadhiyo Jowhar — na ku dhaw yahay heer gabo-gabo ah.

dscn6091 dscn6085 dscn6084

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!