Uganda oo ciidammo si gaar ah u tababar u soo direysa Soomaaliya

by admin | Wednesday, Oct 29, 2014

Kampala : HN :– Taliyaha ciidamada Uganda Jeneral Katumba Wamala, ayaa sheegay in ay billabeen in ay soomaaliya usoo diraan 2,700 oo Askari kuwaas oo tababaro qaas ah ay soo siiyeen macalimiin u kala dhashay wadamada Mareykanka iyo Fransiiska.

Taliyaha Ciidanka Ugnada iyo Afhayeenka Militeriga ayaa si wada jir usheegay in ciidamadaasi ay xoojin doonaan amaanka dalka Somaliya,gaar ahaan Dhismayaasha Madaxtooyada,Barlamka,Garoonka diyaaradaha iyo Dhamaan wasiirada Xukuumada somaliya.

Soo daad gureenta ciidankaan gaar ah ee dowlada Uganda,ayaa imaneysa sedex todobaad ka hor markii ay ciidamada dowada iyo kuwa660x431xuganda_amisom_forces.jpg.pagespeed.ic.XncFuTKujO Uganda ay dib dowlada somaliya gacanteeda usoo galiyeen magaalada degadda ee Barwe,ayuu hadalkiisa uu raaciyay Afhayeenka ciidanka Militeriga Uganda.

General Katumba mar uu la dar daarmayay ciidankaas gaaraya 2,700 waxaa uu yiri fadlan ka taxdira weerarada aad la kulmeysaan,kuwaasoo idin saameyn kara udiyaar gaba in somaliya aad tageysaan.

Bishii Julay 2010 ayaa weerar ay ku dhinteen 79,uu kadhacay magaalada Campala, kaasoo masuuliyadiisa ay sheegteen xarakada Shabab.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!