Uganda oo ku baaqday in la tayeeyo ciidammada Soomaalida

by admin | Saturday, Jan 10, 2015

Kampala  : HN :–Wasiirrka gaashaandhiga dalka Uganda Cripus Kiyonga oo ka hadlayay xaflad ka dhacday hotel ku yaala magaalada Kambala ee dalka Uganda ayaa sheegay inay wanaagsan tahay rajada laga qabo in sanadka soo socda doorasho ay ka dhacdo dalka Soomaaliya.

Dalka Soomaaliya ayaa la qorsheynayaa in doorasho dimuqraadi ah ay ka dhacdo sanadka 2016, waxii ka dambeeyay markii ay dhacday dowladii Siyaad Barre sanadkii 1991, waxaana wasiirka difaaca ee Uganda uu rajo ka muujiyay arintaasi.

Dr Kiyonga, ayaa sheegay in la’aanta siyaasad wadajirka ah ay u badan tahay in ay sii murjin karto howlgalada militariga640x439xIMG_B31380-CA9D02-694867-0A0584-A86404-33A04D.jpg.pagespeed.ic.1Q1p0ctKmD iyo guulaha siyaasadeed ee ay sameeyeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya oo ciidamada Uganda ay qeyb weyn ka yihiin.

Kulanka ka dhacay magaalada Kambala ayaa looga hadlayay dib u gurashada ciidamada AMISOM ee sanadka 2017 xiligaasi oo la sheegay inuu dhacayo waajibaabka ay ku joogaan dalka Soomaaliya.

Laakiin ka hor inta uusan idlaanin waqtiga AMISOM ee Soomaaliya ayuu sheegay wasiirka difaaca Uganda in muhiim ay tahay in tababar iyo qalab la siiyo ciidamada Qaranka Soomaaliya si ay gaaraan siyaasad mideysan.

Wasiirka wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM ay ka saareen goobo badan Alshabaab oo ay ku sugnaayeen sanadihii lasoo dhaafay, isagoo amaanay ciidamadii howlgaladaasi ka qeyb qaatay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!