Ugu yaraan 50 ruux oo lagu dilay gobolka Oromiya ee dalka Itoobiya

by wadani | Sunday, Oct 2, 2016

Muqdisho : HN :–In ka badan 50 qof ayaa ku dhintay dalka Itoobiya, kaddib isbuurasho ka dhalatay boolis kala eriyayay dad mudaharaad ka dhigayay goob lagu cibaadeysanayay.
Dowladda Itoobiya ayaa qirtay in dad ay ku dhinteen rabshad ka dhacday magaalada Bishoftu ee gobolka Oromiya.

Bayaan kasoo baxay xafiiska isgaarsiinta ee dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in fowdo ka dhacday duleedka caasimada ay sababtay dhimashada iyo dhaawaca dad dhowr ah. Hadalka dowladda laguma faah faahin tirada dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay shilkaasi, hase yeeshee mucaaradka ayaa ku eedeeyey ciidamada booliska in ay sababeen dhimashada dadkan oo ay ku sheegeen in ay tiradooda gaareyso 50.

Merera Gudina, oo ah guddoomiyaha xisbiga mucaaridka Orobomada ee OFC ayaa u sheegay wakaalada wararka Reuters in dadka dhintay ay gaarayaan 50 ruux kuwaasoo u geeriyooday isbuursi goobta ka dhacay, kaddib marki ay ciidamada booliska rasaas cirka u rideen si ay u kala eryaan dadkaan oo mudaaharaad ka dhan ah dowladda ka sameeyey meel uu ka socday dabaal-dag.

Injured protesters wait for help after several people died during the Irrechaa, the thanks giving festival of the Oromo people in Bishoftu town of Oromia region, Ethiopia, October 2, 2016.   REUTERS/Tiksa Negeri

Injured protesters wait for help after several people died during the Irrechaa, the thanks giving festival of the Oromo people in Bishoftu town of Oromia region, Ethiopia, October 2, 2016. REUTERS/Tiksa Negeri

Dadka mudaharaadka samaynayay ayaa gacmaheeda oo is-dhaafsan kor u taagayay, taasoo astaan u ah dibed baxyada ay dhawaan wadeen qowmiyadda Oromada.

Rabshadaha dhawaan ka dhacayay Itoobiya ayaa salka ku haya qorshe ay dowladdu shaacisay November-tii hore, kaasoo caasimadda Addis Ababa loogu ballaarinayo qeybo ka mid ah gobolka Oromiya.

Dad fara badan ayaa lagu dilay gobolka tan iyo dhamaadkii sanadki tagay ee 2015-kii bannaanbaxo daba socday qorshahaasi, oo ay dowladdu ku dhawaaqday in ay ka laabatay horraantii sanadkaan.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!