Uhuru oo maxkamada aduunka hortagaya iyo xukunka oo uu ku sii wareejinayo ku xigeenkiisa Ruto

by Yahye | Monday, Oct 6, 2014

Nairobi; HN;- Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in uu hor tagi doono maxkamadda dambiyada adduunka ICC, kaddib markii ay Sidaas ka Codsadeen garsoorayaasha Maxkamadu.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa xukunka si kumeel gaara ugu wareejin doona ku xigeenkiisa William Ruto.

Dhageysiga Dacwada ayaa lagu wadaa inay dhacdo 8 Bishan October, oo Ku Beegan Maalinta Arbacada ee Soo Socota.

Uhru Kenyayya ayaa loo haystaa dacwad ah inuu ku lug lahaa qalalaasihii Kenya ka dhacay Xili doorasheedkii 2007-da.

Uhuru-And-RuttoMadaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa dhinac isaga Leexiyay dhamaanba Dacwadaha lagu soo oogay, isagoo sheegay inuu xilka madaxweynaha ku wareejin doono ku xigeenkiisa, William Ruto, muddada uu ku maqan yahay maxkamadda.

Maxkamadda ICC ayaa sidoo kale dacwad la Xidhiidhta dembiyo ka dhan ah aadminimada ku soo oogtey Mr William Ruto oo ah Madaxweyne ku Xigeenka Kenya Isagoo ku eedaysan qeyb ka ah rabshadihii 2008-da.

Dhegeysiga dacwadda Mr. Kenyatta ayay ahayd inay dhacdo bishii February ee la soo dhaafay.  Laakiin dhowr jeer ayaa dib loo dhigey, iyadoo Dacwad oogaha guud ee ICC, Fatou Bensouda, ay sheegtay in dowladda Kenya aaney maxkamadda u gudbin dokumenti muhiim ah oo laga dalbadey

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!