Uhuuro Kenyta oo wali haya hogaanka doorashada madaxtinimada dalka Kenya

by Somali | Tuesday, Mar 5, 2013 | 35 views

Kenyan election 4Nairobi : HN:  Wararka ka soo baxay goobaha tirinta codadka doorashada dalkaasi Kenya ayaa sheegaya in wali musharaxa xisbiga Jubilee ee dalkaasi Kenya Mr Uhuuru Kenyta uu wali hogaanka u hayo doorashada.

Waxaa la sheegay in ilaa iyo hadda la tiriyay  in ka badan 4 milyan oo codad ah, waxaana uu ku hogaaminayaa doorashada Uhuuru Kenyta 54% halka musharax Raila Odinga uu ka hellay 40% codadka la tiriyay.

Dadka reer Kenya ayaa siweyn isha ugu haya kana war sugaya ilaa waqtiga ugu danbeeyay oo lagu dhawaaqi doono natiijada doorashada, sidoo kalana waxaa sugaya natiijada ay ku dhawaaqi doonaan gudiga doorashada labada musharax ee sida weyn isugu dhaw.

Hadii wareega koowaad lagu kala adkaan waayo waxay noqonaysaa in la aado wareeg labaad oo noqonaysa in ay dhacdo 5-ta bisha soo socota ee April.

Laakiin dad intiisa badan waxaa ay qabaan in doorashadan ay nodon dooto mid lagu kala badiyo, uuna ku soo bixi karo Uhuuru Kenyta oo hadda hogaanka u haya doorashada.

Xaafada Islii ee Soomaalida ay ku badan yihiin ayaa iyadana ay wali xiranyihiin inta badan ganacsiyada marka laga reebo meelaha qaar ee lagu qaxweeyo, halkaas oo ay Soomaalidu kaga doodayaan doorashadii dhacday, iyagoo kala taageeraya musharrixiinta ay u kala codeeyeen.

Hiiraan Net.

 

 

Like it? Share it!