UNHCR oo dib dalka ugu soo celisay 4,000 oo qaxooti Soomaali ah

by admin | Sunday, Sep 20, 2015

Nairobi : HN :–Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR ayaa sheegtay in dalkooda ay ku celisay qaxooti gaaray afar kun oo ruux,

Qaxootigan ayaa 250 ka mid ah waxa ay ku gaareen Soomaaliya safar dhulka ah, halka 224 kalana diyaarad lagu geeyay magaalada unhcrMuqdisho caasimada Soomaaliya.

Warbixin ay soo saartayUNHCR ayay ku sheegtay in tirada guud ee ay dib ugu celisay dalka Soomaaliya ay gaarayaan 4,108 tan iyo bishii September 2015, 3,510 safar dhulka ah ayay ku tageen halka 598 duulimaadyo cirka ah lagu geeyay dalka Soomaaliya.

Hay’ada ayaa sidoo kale ku sheegtay warbixinta inay kordhin doonto daadgureynta ay diyaaradaha ku geynayso qaxootiga dalkooda maadaama bilaha Oktobar iyo November ay da’ayaan roobabka deyrta. Toddobaad walba ayaa duulimaadyada waxa ay noqon doonaan illaa iyo lix duulimaad toddobaadkiiba sida ay shaacisay UNHCR.

Hay’adda UNHCR ayaa bilowday in ay caawimaad siiso dadka iskood ugu laabanaya dalka Soomaaliya oo kamid ahaa qaxootiga ku nool dalka Kenya gaar ahaan xerada Dhadhaab. Heshiis saddex geesood ah ayaa waxaa kala saxiixday dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!