UNHCR oo dib u soo celineysa qaxooti Soomaliyeed

by admin | Sunday, Dec 7, 2014

Nairobi : HN :–Hay’adda UNHCR ee QM u qaabilsan arrimaha qaxootiga  aduunka ayaa sheegtay in ay soo celin doonto ilaa 100 ruux oo qaxooti Soomaaliyeed ah kuwaa oo hadda ku jira xeryaha Dhadhaab.

Guddiga sare ee UNHCR ayaa warbixin ay toddobaadkan baahiyeen ku xusay in isku diyaarinta dib u soo celinta qoxootiga Soomaaliyeed ee dalka Kenya ku nool ay weli socoto.

Sidoo kale, UNHCR ayaa warbixinteed ku xustay in dadkii ugu horreeyay oo gaaraya 100 qof la qorsheynayo in bishan sideeddeeda oo berri ku beegan dib loogu soo celiyo Soomaaliya.

Dalka Kenya ayaa waxaa ku nool 600,000 oo qoxooti Soomaaliyeed ah oo ka cararay colaadaha iyo abaaraha ka jiray Soomaaliyadhadhaab muddada 22-sano kor u dhaafaysa, kuwaasoo intooda badan ku nool xeryaha deegaanka Dhadhaab-Kenya ku yaalla.

Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Ifo, Xagar-dheer iyo Dhagaxley ayaa qaar ka mid ah waxay xeryahaas ku noolaayeen muddo fog, iyadoo ay ku jiraan carruur ku dhashay xeryaha oo iyaguna ilmo ku dhalay.

Xukuumadaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa horay ugu heshiiyay in la bilaabo qorshe dib loogu celinayo qoxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha dalka Kenya, inkastoo heshiiskaas uu dhabar-jab xooggan ku yimid.

Si kastaba ha haaatee, dib u soo celinta qoxootigan ayaa la sheegayaa inay qayb ka tahay hishiiskii seddex geesoodka ahaa ee ay UNHCR, Soomaaliya iyo Kenya horay u kala saxiixdeen.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!