UNIVERSAL YAA  LEH. W/Q Abdiaziiz  A. Mohamed

by Yahye | Thursday, Jan 19, 2012

Su’aalaha qaar jawaabahooda maskaxda aad ayay ugu soo degdegaan, laakiin taas  waxaa nasiib u yeeshay kaliya dadka ilaahay  caqliga u dhaliyay ama ka nabad galay cudurka xasadka  iyo jahliga, laakiin qofkii la deris ah arimahan aan kor ku soo xusnay (jahli iyo xasad)  hadii la weydiiyo UNIVERSAL YAA LEH ? waxaa laga yaabaa in uu isku qaldo  milkiilaha iyo shaqaalaha ama farsamayaqaanada.Hadda ka hor  ayaa  laba dumar ah i isku qabsadeen wiil yar kaas oo mid walba ay sheegatay in ay iyada dhashay, markii marqaati la waayay dacwadiina gaartay halkii ugu sareysay ayuu garyaqaankii ku yiri labadii dumar si gooni gooni ah,walaalayaal ilaa iyo hadda ma hayno wax cadeyn kara wiilka cidii dhashay laakiin waxaan fulinaynaa cadaaladda sida ay na farayso oo si isku mid ah ayaan labadiinaba canuga idinkugu qaybin doonaa oo waan idiin kala jari doonnaa.

Arinkaas ayaa ay aad uga naxday hooyadii dhashay canuga taas oo intay oysay tiri maya maya sheekhoow intii canugayga aad kala jari lahayd oo uu dhiman lahaa Alaah ayaa jooga sii iyada( islaanta kale) laakiin ha diliin, halka tii kale ay ka tiri iyada oo qoslaysa sheekh anigu waan ku go’aa waxa aad noo garataan ama in canuga labo looqaybiyo.

Sheekhii ayaa wiilka hooyadii ku yirii qaado canugaaga, islaantii kalana ku yiri mardanbe yaanan agtiisa kugu arag oo ka dheerow,  sheekhu ma haysan sheybaar uu ku baaro DNA-ga laakiin Alaah ayaa siiayay cilmi iyo caqli uu wax ku kala saaro wuxuuna si sahlan ku gartay cidda dhashay wiilka asaga oo adeegsanaya cilmi iyo caqli.

Taas waxaa la mid ah sheekadan sedexdan  saaxiib ee Muqdisho wada daganaa, kan koowaad wuxuu daganaa nus boos cariish ah oo uu awowgiis ka dhaxlay, asagoo nuskii kale u gaday duruuf dhaqaale oo la soo deristay awgeeg, halka kan labaad uu lahaa boqol boos oo uusan qaarkood aqoon meesha ay Muqdisho uga yaalaan, taas oo ay dowladii jirtay u saxiixday iyo kan sadaxaad oo asagan la siiyay shati uu wax ku dhoofiyo waxna ku soo dejiyo taas oo u sahashay in uu yeesho hanti badan gatana dhul iyo beero.

Sedexdaas nin hadii ay garta u dhigan lahaayeen jaahil (ama martida universal) wuxuu  oran lahaa Muqdisho ninkii sar wayn ku leh ama 100 boos  ku leh ayaa leh laakiin cadaaladda Alaah ayaa kala saaratay dadka oo markii ay dhacday dowladii dhexe nin walba wuxuu socday intii uu u soo socday Muqdisho, ama in la mid ah intii aabihiis soo socday, taas oo qaar nasiib wanaag dhowr KM uun  gaari ku gaareen halkii ay ka yimaadeen, halka qaarkale ay nasiib daro ku qasbanaadeen in ay raacaan wixii aabahood ku yimid (MARKAB AMA DOON) kuwaas oo safar dheer oo xanuun badan kadib gaaray wadamo deris ah oo ay ku tabayeen in ay dhalasho ahaan ka soo jeedeen , iyagoo gabdhihii soomaaliyeed ee ay qabeena markii ay samo tageen  ku yiri ( NAA NAMA GAYDIDE GAYAANKAAGA RAADSO)  waad madoow dahay.

Halka maskiinkii aan aqoon meel uu ka aado Muqdisho uu ilaa iyo hadda uu marna ku gaajoodo marna ku dhaxamoodo marna madaafiicdu ku disho caruurtiisa laakiin weli nusbooskiisii oo qayb ka sii dumay ayuu ku  sugaa dowlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay wuxuuna ku faraxsan yahay in deriskiisii u soo laabtaan waayo wuxuu u bartay ama nabadaba u yaqaan wada daganaashaha iyo is dhex galka marna lagama maqlo wax la mid ah waxa ka soo yeera gobolada kale sida REER KOOFUR WAAN MASAAFIRINAYNAA  ama sida qaar kale yiraahdaan hadii qarax ama qalad dhoco WAAR NAGA SAARA XAMARAAWIYIINTA WAA IYAGA WAXA WAX QARXINAYA.

Muqdisho iyo dadkeeda sidii looga bartay waxay gacmo furan ku soo dhaweynayaan dhamaan umadda Soomaaliyeed waxayna leeyihiin soo gala Xamar idinkoo aamin ah, waxayna ka rajaynayaan  walaalahood in aysan iloobin kalimadaas soo dhaweynta ah taas oo horayna loogu soo dhaweeyay aabayaashood markii ay imaanayeen, hadana diyaar loola yahay in iyagana sidii iyo si lamid ah in loogu soo dhaweeyo, waxaana iyagana laga filayaa in ay noqdaan dad u qalma wanaaga loo sameeyay.

Muqdisho waa Caasimadda koowaad saas oo kale waxaa jira caasimad labaad iyo mid sedexaad iyo gobolo kale oo waaweyn oo soomaaliyeed sida Baay iyo Goboladda ay ka taliyaan maamulka Puntlacd  , kuwaas oo qaarkood dadka laga soo tarxiilo sida Sacuudigii oo kale, hadaba maxaa Soomalida qaar abaal dhaan u yihiin oo iyada oo gacmo furan ku soo dhawaada la leeyahay maxay u yiraahdaan Muqdisho ayaa la inoo sheegtay,
 
Malaha dadka marka la yiraahdo iiga bax dhulkayga ayay fahmaan in uu jiro qof iska leh  dhulka, laakiin markii la yiraahdo ila dag  wuu nadeeqaahe oo aan  ku wada noolaano waxayba iloobaan in uu jiro qof leh, oo waxay yiraahdaan si la mid ah sidii laga sheegi jiray ninkii u yimid geel daqaya meel ee yiri (WAR GEELA YAA LA JOOGA .. EE MARKII UU WAAYAY WAX U JAWABA HADANA YIRI MAXAAN CID KALE UGU YEERAA SOW ANIGAN LA JOOGA MAAHA)
 
Waxaa laga yaabaa gobolada soomaaliyeed qaarkood markii aad tagtid xitaa in aad dareentid qurbo markii aad weysid qof ku afgaranaya kii ku afgaranayayna uu kugu cunsuriyeeyo afkaaga oo uu kugu qasbo in aad ku hadashid ama fahantid lahjadda maxaliga ah ee uu ku hadlayo.
 
 
Tankale hadii la leeyahay waxba lama kala laha oo dadku waxwalba way ka dhexeeyaan, reer muqdisho maaha dadka diidaya taas mana looga baran in ay diidaan laakiin tan aan la aqbali karayni waa (TAADA KULA LIHI TAYDANA ANAA ISKA LEH) waana sababta keentay burburka iyo dhibaatada taala dalkeena.
 
Guntii iyo gaba gabadii  dadka iska indha tiraya taariikhda iyo joqraafiga soomaaliyeed waxaan leeyahay  XAMARLAGUUMA SHEEGAN EE HA SHEEGAN ku nooloow kuna raaxayso hana noqon abaal dhaan.Universalna waxaan leeyahay waxaa jira wax yaabo badan oo u  baahan in aad ka hadashaan dadkuna idinka sugayo sida Nabadda iyo dibu dhiska dalka, sidaas oo kale dhagartu qofkiisa ayay u daran tahay marka ka fogaada dhagarta ogaadana hadda in aad tihiin idaacad soomaalidu wada dhagaysato iskana ilaalsha in aad naqataan sidii Hornafrik ahaan jirtay oo kale sababtoo ah taas umadana waa ku kala tagaysaa idinkuna ka hari maysaane waad ugu horeynaysaan inta dhibaatadu soo gaarayso.
 
 
WQ: Abdiaziiz  A. Mohamed

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!