Urur gobolleedka IGAD oo soo dhaweeyay xukuumada cusub

by admin | Wednesday, Jan 14, 2015

Muqdisho : HN :–Urur-goboleedka IGAD ayaa soo dhaweeyay xukuumadda uu soo dhisay ra’iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid, iyagoo sheegay inay la shaqeynayaan doonaan Xukuumada cusub ee Soomaaliya.

Danjiraha IGAD ee Soomaaliya, Maxamed Cabdi Afey oo warbaahinta la hadllay ayaa soo dhawaayay xukuumadda cusub ee Somalia, isla markaana uu ka rajeynayo xildhibaanada baarlamaanka inay kalsoonida siiyaan si ay shaqooyinkeeda u billowdo.

“Xukuumadda cusub ee Somalia waan soo dhaweynaynaa, waana la shaqeyn doonnaa, baarlamaankana waxaan kaMaxamed_Cabdi_Afey_IGAD_Envoy_for_Somalia codsanaynaa inay ansixiyaan,” ayuu yiri danjire Afey. Isagoo intaas ku daray inay IGAD garab-istaagayso golaha wasiirrada Somalia.

Wakiilka ayaa xusay in ururkooda uu go’aansaday inay si dhow oo dhab ah ula shaqeeyaan dowladda Somalia, si dalka loo gaarsiiyo horumarro dhinac walba ah, maadaama Somalia ay ka mid ahayd dalalkii IGAD wax ka aasaasay.

Hadalka danjiraha IGAD ee arrimaha Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo toddobaadkan ay wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Bariga Afrika kulankoodii ugu horreeyay ku yeesheen magaalada Muqdisho tan iyo markii uu dalku galay colaadaha sokeeye.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa isna soo dhaweeyay wasiirrada cusub ee xukuumadda Soomaaliya, isagoo xildhibaannada baarlamaanka Somalia ugu baaqay inay codka kalsoonida ah siiyaan.

Si kastaba ha ahaatee, xildhibaanno ka tirsan baarlmaaanka ayaa si cad uga soo horjeestay xukuumadda uu soo dhisay ra’iisul wasaaraha Somalia, iyagoo sheegay inaysan kalsooni siinayn. Balse ra’isul wasaare Sharma’arke ayaa dhankiisa sheegay inuu la fariisan doono xildhibaannada dhalishan wasiirrada uu soo magacaabay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!