Ururka midowgga Africa oo ku baaqay in la taageero Soomaaliya

by admin | Wednesday, Sep 23, 2015

Muqdisho : HN :–Danjiraha midowgga Africa ee Soomaaliya Mama  Sidikou ayaa ku baaqay in la kordhiyo taageerada dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xasiliyo guud ahaan dalka.

Danjiraha oo ka hadlayay xuska maalinta nabadda ayaa sheegay in ammaanka dalka uu soo hagaagayo maalinba ma306x230xMaman_Sidiku.jpg.pagespeed.ic.wGktfG4fTialinta ka dambeysa, dalkana uu ka soo kabanayo dagaallada sokeeye ee uu soo maray.

“Ma yaraysan karno awoodda dadka ku howlan dadaallada lagula dagaallamayo rabashadaha, laguna xoojinayo nabadda,” ayuu yiri danjiraha.

Wuxuu sheegay in mustaqbal ifaya oo Soomaaliya hesho uu ku xiran yahay xoojinta dadaallada wada-jirka ah oo lagu horumarinayo nabadda.

Sidoo kale Danjiraha ayaa sheegay in AMISOM ay kaalin wanaagsan ka qaadaneyso nabad ku soo dabbaalida dalka, iyadoo xoojisay howlgalkeeda milateri ee ay ku wiiqeyso awoodda kooxda argagixisada ee Al-shabaab.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya, oo taageero ka heleysa AMISOM iyo beesha caalamka, ay ku dadaaleyso soo celinta nabadda dalka.

Danjiraha ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay iney dowadda kala shaqeeyaan sidii dalka oo dhan looga dhigi lahaa meel ka caaggan argagixisada oo nabdoon.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!