Ururka midowgga Yurub oo sheegay in la adkaaday burcad-baddeedkii Soomaalida

by admin | Friday, Jul 10, 2015

Brussels : HN :–Ururka midowgga ayaa xaqiijinaya in la soo afmeeray weerarradii ka imaanayay burcad badeeda Soomaalida,sida waxaa sheegay taliyaha howlgalka Midowga Yurub.

Jeneral Martin Smith oo ah taliyaha howlgalka midowga Yurub ee la-dagaallanka burcadbadeeda Soomaaliya ayaa si cad u sheegay in lagu guuleystay hakinta weerarradii kooxda Burcad badeeda Soomaalida ay ka geesanaayeen biyaha Soomaliya iyo gobolka.

Waxuu sheegay taas inaysan sabab u noqon karin in la joojiyo howlgalkii ka socday biyaha ku dhow Soomaaliya oo ay lagama marmaan136 tahay inuu sii socdo si aysan ugu dhiiran burcad badeeda Soomaalida oo joojiyay howlgalladii ay ku qafaalan jireen maraakibta.

Shirka jaraa’id oo u ku qabtay xarunta Midowga Yurub ee Brussels waxuu ku sheegay in sanadii 2011-ka ay kooxda gacanta ku hayeen 736-laheestayaal iyo 32-doomo balse hada gacanta ay ugu jiraan kaliya 26-laheestayaal oo aysan ku jirin wax doomo ah mana jirto weerar ay burcad badeeda qaadeen oo la diiwaan galiyay 6-dii bilood ee lasoo dhaafay.

Waqtigaasi ay jirto Taliyaha waxa uu muujiyay in khatarta kooxda Burcad badeeda ay ka jirto xeebaha Soomaaliya balse howlgalkooda ay ku guuleysteen.

Sidoo kale,waxuu ku sheeciyay shirkiisa jaraa’id in hadda wixii ka dambeeya aan loo baahneen dagaalka gobolka lagula jiray kooxdaasi,waxuuna inta ku daray in ay jiraan wadamo aan kamid aheyn Midowga Yurun hadana ka qeyb qaadanaya sida News-land iyo Serbia waxana mar dhow kusoo biiri doona wadamada Colombia,Kuuriyada Koonfureed iyo Chile sida hadalka uu u dhigay.

Burcad badeeda Soomaalida ayaa dunidda saameyn ku yeelatay shan sanno ka hor,balse hadda ma jirto wax burcad ah oo gudaha Soomaaliya jooga,waxaana daliil u ah deegaannadii saldhigga u ahaa oo xilligan nolasho ay caadi ku soo laabatay.

Kooxaha burcad badeeda ah intooda badan waxaa ay ahaayeen dhallinyaro marka sheegayay inay ka careysan-yihiin maraakib jaliifeysa badooda kuwaaso xaaluf ku wadda kheyradka badda,illa hadda maraakib ayaa ku xirja xeebaha Soomaaliya kuwaaso la sheegay inay gurtaan kheyradka,Midowga Yurub howlgalladooda kuma soo hadal qaadan dhibatada lugu hayo biyaha Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!