Ururka SEUKI oo hogaan cusub ku doortay magaalada Stockholm, SAWIRO

by Yahye | Monday, Oct 8, 2012 | 166 views

Ururka SEUKI oo hogaan cusub ku doortay magaalada Stockholm

Stockholm: HN: Ururka cayaaraha ee qaarada Europe ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan SEUKI ayaa waxay doorteen hogaan cusub, ururkan oo xaruntiisu ku taal magaalada Stockholm ee wadanka Sweden ayaa wuxuu sanad walba qabtaa cayaaraha kubada Cagta oo aay ka soo qeyb galaan ciyaartooy ka kala yimaada aduunka dacaladiisa.

Ururka ayaa gudoomiye u doortay Faysal Faarax Makaraan iyadoona xubnaha gudiga fulinta intooda kalana gadaal laga soo magacaabi doono, gudoomiyihii hore ee ururka Cabdicasiis ayaa gudoomiyenimada ku wareejiyey gudoomiyaha cusub, isagoona u rajeeyey in shaqada ilaahay u fududeeyo

Gudoomiyaha cusub oo halkaa qudbad ka jeediyey ayaa marka hore u mahadceliyey gudoomiyihii hore iyo golayaasha SEUKI dhamaan, marka labaadna balan qaaday in howshii aay soo qabteen saaxibadiisa uu sii horumarin doono isagoona sheegay in ugu horeynba bilaha soo socda xafiis uu ururku ka furan doono magaalada Muqdisho si loo xoojiyo xiriirka sport ee ka dhexeeya Somaliya iyo Europe.

Mr, Faysal ayaa sheegay in ciyaaraha sanadlaha ee aaay qabtaan aay sanadka soo socda ku kordhin doonaan ciyaaraha fudud siiba ciyaaraha orodada.

Hiiraaan Net

Like it? Share it!