Waa Barnaamijkii ” Afuri oo Ajar Hel”‏

by admin | Thursday, Jun 18, 2015

Waxaa magaalada Muqdisho lagaga dhawaaqay gudi la magac baxay Gudiga Afurinta oo uu Gudoomiye kayahay Sh C/fataax Xasan Shimbirow, ayadoo gudigan shaqadiisu tahay inuu bulshada ku dhiirigaliyo in la sameeyo iskaashi gacana lagageysto wax u qabashada dadka masaakiinta iyo barakacayaasha ah inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Gudigan ayaa barnaamijkiisa halqabsi ugadhigay “Afuri oo Ajar Hel” waxaa uuna gudigan ku qiimeeyay qiimaha qof baahan lagu afurin karo maalintiiba 2$ Doolar taasoo macnaheedu yahay in 60$ doolar bisha dhan afurinkarto 120 Doolarna laba qog Bisha oo dhan.

Gudigaan oo maanta oo arbaco ah lagaga dhawaaqay Muqdisho waxaa ay Barnaamij gaar ah ku qabteen Idaacada Alnuur ayadoo ay dadweynuhuna qadadka Teleefoonada sitoos ah talooyin iyo su’aaloba kasoo gudbinayeen islamarkaana aad u soo dhaweeyeen Barnaamijkan maadaama uu yahay mid sahlaya in bulshadu noqoto mid iskutashta.

Intii uu socday Barnaamijka ayay GudigaAfurinta soobandhigeen qorshaha iyo qaabka ay bulshada uga qeyb qaadan karto ayagoo usoo diyaariyay Telofoon si toos ah.

Gudigaan waxa uu bulshada ku wargaliyay in ay lacagaha afurka ugu tala galeen kusoo diri karaan Telefoon numbarka ah 0619250000 kaasoo leh adeega looyaqaan “EVC” si ay bulshada uga qeyb qaataan barnaamijka ayagoo guryahooda iyoshaqooyinkooda joogaama islaa maarkaaana Guddigan waxa ay ka sameeyeen Salam Bank Account No: 30325291 si hadii Qurba joogta ama dadka leh Akounada gudaha ugu soo gudbin karaan wixii ay sadaqadaas usoo qorsheeyaan.

Dadweynahii dhageysay Barnaamijka bandhigiisa ayaa waxay durbadiiba bilaabay inay lacago kusoo diraan nambarkii la siiyay taasoo muujinaysa in bulshadeenu yihiin dad wanaaga u diyaar ah laakiin aan helin inta badan dad si hagaagsan ugu adeega.

Waxaa sidoo kale jira doona Guddiyo hoosaadyo u xilsaarnaan doonta diyaarinta ama ka warkeenida goobaha lagu afurinayo dadka masaakiinta ah iyo diyaarinta agabkii loo baahnaa si hadba wixii soo aruura loogusii howl bilaabo.

Gudiga Afurinta waxay Idcaada baaq uga direen dhamaan bulshada qeybaheeda kala duwan inay fursad u heystaan inay kaalin ka qaadan karaan Dal gudihiisa iyo Debadiisa meel ay joogaanba.

Sh C/fataax Xasan Shimbirow  Gudoomiye +252618000005

Sh Calinuur Axmad Xoogsade   Xoghaye      +262616662564

Waxaana gudigan xubno ka ah Culumo, Ducaad iyo Dhaqan sida:Sh Maxamuud Abuu Sheybah, Sh Maxamad Muuse, Ugaas Mahad Ugaas Maxamad iyo Agaasimaha Radio Al Nuur C/Caziiz Cali Xasan.

W/Q: Sh Calinuur Xoogsade

asadxg@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!

Fariimaha waxaad reebi kartaa adigoo Guest ahaan ah