Waa imisa jir gabadha ugu da’da yar baarlamaanka federaalka

by wadani | Wednesday, Dec 28, 2016

Muqdisho : HN :- Ikraam Aadan Absuge, waa xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, waxayna noqotay gabadha ugu da’da yar xildhibaanadii shalay la dhaariyay.

Xildhibaan Ikraam Aadan, waxay baarlamaanka kasoo gashay doorasho ka dhacday magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Da’deeda waxay ku sheegtay iney tahay 26 sano jir, waxayna cadeysan in waligeed aysan horey xil usoo qaban, kadib markii wareysi ay siisay BBC-da.

Ikraam, waxay sheegtay inay dooneyso in wax badan ay kusoo kordhisaa baarlamaanka iyo siyaasada Soomaaliya, maadaama waqtigan fursad fiican la siiyay dhalinyarada.

Waxay sidoo kale sheegtay in wax dhibaato ama caqabad ah ineysan kala kulmin xilkan marka ay raadineysay, islamarkaana dadka ay kasoo jeedo ay la jeclesyteen xilka.

Prof Jawaari ayaa shalay munaasabadii dhaarta uga dhawaaqay in Ikraan Aadan Absuge tahay gabadha ugu da’da yar baarlamaanka federaalka ee 10aad.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!