Waa maxay ujeedada ka danbeysa socdaalka madaxweyne Xassan Sheekh ee Kismaayo

by wadani | Monday, Dec 5, 2016

Kismaayo : HN :- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo, halkaa oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka.

Socdaalka madaxweynaha ayaa la soo sheegayaa in uu yahay mid salka ku haya olalahiisa doorasho, madaama uu horay Kismaayo u tagay ra’iisal wasaare Sharma’arke oo halkaa kulamo kula yeeshay xildhibaannada labada aqal ee dhawaan la soo doortay.

RW Sharm’arke ayaa sidoo kale Kismaayo ka sheegay in hadal siweyn uga careysiiyay madaxtooyada Soomaaliya, madaama xildhibaannadii uu la shiray uu u sheegay in dalku u baahan yahay isbadal dhinac hogaanka ah, taasoo macnaheedu noqonayo in la doorto waji cusub.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa kulamo la qaadan doona xildhibaannada labada aqal ee Kismaayo ku sugan, kuwaa oo la filayo in madaxweynuhu weydiisto codkooda.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!