Waalid imtixaanka dugsiyada caruurtooda qish siinaya wadanka Hindiya

by admin | Friday, Mar 20, 2015

Hindiya; HN:– Wadanka Hindiya oo jibiyey rekoorka qishka aduunka, sida sawirka ka muuqata waalidka Dugsigan ayaa waxay qish siinayaan caruurtooda u fadhida imtixaanka sanad dugsiyeedka.

Waxaa caadi ahaan jirtay waraaqo la soo qarsado, ama jirka oo wax lagu soo qoro laakiin taariiqda kama dhicin waalid u soo banaanbaxay in darbiga Iskoolka u fuulaan si aay qish u siiyaan caruurtooda.

Gobolka Bihar ayaa la leeyahay waxaa caada ka ah in waalidku sidan u dhaqmaan iyagoo qishka uga taagaya daaqadaha, imtixaanka ayaana wuxuu muhiim u yahay mustaqbalka caruurta iyo waalidkooda.

Qishka aduunka.

Hindiya oo jabisay rekoorka qishka aduunka. Waalid caruurtiisa qish siinaya.

Shalay markii galaaska 10-aad uu imtixaanka u fariistay ayaa la mamnuucay in aay heystaan wax caawinaad ah xitaa xisaabiyaha, laakiin waxaa la joojin waayey in waalidku caawiyaan caruurtooda.

Waxaa la sheegayaa xitaa in booliis la keenay si aay u ilaaliyaan laakiin hadana waalidka inay darbiyada qishka ka taagaan waa la joojin waayay.

Qishka ayaa wadanka Hindiya caadi ka ah gaar ahaan magaalooyinka yar yar, waxaase dunida kale amkaag la noqday sawirkan qabsaday mediyaha caalamka.

500, ardeyda dhigata galaaska 10-aad ayaa iskoolka laga ceyriyey iyadoona lagu eedeeyey inay qish isticmaaleen.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!