Waan-waan laga dhax bilaabay dhinacyadii ku dagaallamay Guri-ceel

by admin | Monday, Feb 16, 2015

Guri-ceel : HN :– Degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud waxaa ka soconaya wadda hadallo iyo kulamo la doonayo in lagu soo ajaro colaada u dhaxeysa dhinacyadii dhawaan ku dagaallamay degmada ee kala taabacsan maamulka dowladda ee gobolka Galguduud iyo Ahlu Sunna Waljameeca.

Guddiga guddiga ku howlan dhameynta khilaafka labada dhinac Max’ed Axmed Caalin ayaa warbaahinta u sheegay in meel wanaagsanDegmada_Guriceel_Gobolka_Galguduud u marayaan howlaha nabadeynta ah oo ay u joogaan degmada Guri-ceel isaga oo labada dhinacba ku amaanay sidda ay uga aqbaleen guddiga xabad joojintii ay ku baaqeen.

”Dhinacyada iska soo horjeeda siweyn ay u soo dhaweeyeen dadaalka nabada ee aan ka waddo degmada Guri-ceel waana ay naga aqballeen xabad joojintii aynu ku baaqnay, dhawaanna waxaa gudda-gali doonaa in laga wadda hadllo khilaafka jira iyo waxa leysku hayo ayuu yiri” Max’ed Axmed Caalin.

Degmada Guri-ceel waxaa labadii todobaad aynu ka soo gudubnay ka dhacay dagaalo is xig xigay oo dhaxmaray ciidammada dowladda iyo garab ka mid ah dagaalyahannada Ahlu Sunna Waljameeca ee gobolka dhexe, kaasoo sababay inta tiro qoysas ah isaga barakacaan guryihiin ay ku noolaayeen.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!