Waasiir Maareeye” Somaliland ayaa ka mas’uul ah bur burka wadda hadallada

by admin | Tuesday, Mar 3, 2015

Istanbul : HN :– Wasiirrka wasaarrada war -faafinta dowladda Soomaaliya Max’ed Cabdi Xayir Maareeye oo ka mid ahaa wafdigii ay dowladda Soomaaliya ku dirtay wadda-hadalladii la fillayay in ay ka furmaan Istanbul, ayaa sheegay in bur burka wadda hadallada iyo qabsoomid la’aanta mas’uul ka yihiin xubnihii Somaaliland oo ee ka yimid Hargeysa.

Wasiir Maareeye waxaa uu ka mid ahaa xubnaha sidda weyn wafdiga soomaaliland u diidanaayeen in ay wadda hadallada ka maareeyeqeyb-gallaan, madaama dhalasho ahaan uu ka soo jeedo gobollada Waqooyi.

“Shirku wuxuu u qabsoomi waayay shuruud ay la yimaadeen ergada Somaliland, runtiina waxaan u aragnaa inaysan shuruuddaasi ahayn mid munaasab ah; wax aan ka qaban karana aysan jirin, balse haddii ay wax-tabanayaan waxay ahayd inta aanay Hargeysa kasoo bixin in la xalliyo. Waa ka xunnahay wax kasta oo dib u dhac ah oo ku yimaada danaha iyo aayo ka talinta Somalia,” ayuu yiri Maareeye.

Mudane Maareeye ayaa intaas ku daray in mas’uuliyadda iyo dib u dhaca shirka ay dusha u ridanayaan xubnaha Somaliland metelaya, waxaana dalabka kasoo yeeray ee ahaa in afar xubnood uu isaga ka mid ahaa in shirka laga saarana ay ahayd mid aan la aqbali karin, isagoo sheegay inuu yahay buundo isku xiri karta Soomaaliya iyo Somaliland.

“Xubnaha dowladda Somalia waa hal unug lama kala soo karo… madax ayaana soo magacawday annagan go’aan aan ku kala saari karno ma lihin. Anigu waxaan isku arkaa inaan ahaa buundadii isku xiri kartay Somalia iyo Somaliland,” ayuu yiri Maareeye.

Wuxuu ugu danbeyntii sheegay in Soomaaliland loo baahan yahay in ka faa’ideysato fursadaha hor yaalla, madaama dowladda maanta jirta aheyn tii 19960-kii.

Hiiraan Net,

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!