Waaxda socdaalka oo Soomaali laga soo tarxiilay Norway dib ugu celisay diyaaradii keentay

by Yahye | Monday, Sep 29, 2014

Muqdisho: HN:- Waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa maanta muwaadiniin Soomaaliyeed dib ugu celisay dalka Norway kadib markii oo si qasab ah dalkaa loogu soo tarxiilay, dadkan ayaa laga soo dejiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Muwaadiniintani Soomaaliyeed oo tiro ahaan 6- ruux ahaa ayaa markii la keenay lagu amray saraakiishii iyo diyaaradii waday inay dib u celiyaan maadaama aanay sharci ahayn, waa sida uu sheegay taliyaha waaxda socdaalka.

Taliyaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya Jen Cabdulaahi Gaafow  Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay sababaha ay dib ugu celiyeen dadkaasi, isagoo sheegay in sax aysan eheyn in si qasab ah muwaadiniin Soomaaliyeed loogu keeno dalka iyaga oo aan raali ka aheyn  waxaana uu tilmaamay in markii hore dowladda Norway ay la soo xiriireen ayna u sheegeen in dad Soomaaliyeed ay qasab ku keenayaan dalka, isagana uu u sheegay in aysan aqbali doonin arrinkaasi maantana ay dhacday sidaasina ay dib ugu celiyeen.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!