Wada hadallada Garoowe oo leysku mari la’yahay

by admin | Wednesday, Jul 15, 2015

Garoowe : HN :– Kulamo iyo shirar saddex geesood ah oo magaalada Garoowe ee xarunta Puntland uga soconaya ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, madaxweynaha Puntland C/wali Gaas iyo Axmed Madoobe, ayaa la sheegay in wali leysku mari la’yahay.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in xalay lagu kala kacay shir ay lahaayeen saddexda mas’uul, kaddib markii uu ra’iisal wasaaruhu hor dhigay labada madaxweyne maamul gobolleed in ay aqbalaan islamarkaana aqoonsadaan maamulka Galmudug State oo sidda uu ra’iisal wasaaruhu sheegay ka kooban Gobol iyo Bar.

Madaxweyne C/wali Gaas iyo Axmed Madoobe oo isku dhinac ah ayaa wadda wajir waxaa ay ugu sheegeen ra’iisal wasaaraha in 22hmarnaba aysan aqbali doonin sidda ay hadalka u dhigeen maamul gobolleed aan sharciga waafaqsaneyn, madaama loo baahan yahay in labo gobol iyo wixii ka danban dhisan karan dowlad gobolleed, sidda daraadeed dhismaha maamulka Galmudug, ayeey sheegeen in uu yahay mid aan meelna sharciga ka waa faqsaneyn.

Waxaa siddoo kale muran xoog leh uu ka jiraan in madaxda Jubbaland iyo Puntland inay aqoonsadaan guddiyada xuduudaha iyo doorashooyinka Federaalka, arrintaasoo Puntland iyo Jubbaland ay sheegeen inay tahay mid aan u cuntamayn, waxayna si wada jir ah u sheegen inaan Guddiyadaas lagala tashan oo aysan aqoonsanayn.

Qodobka saddexaad ee la isku mari waayay ayaa ahaa soo jeedin kale oo ka timid Ra’iisul Wasaaraha oo ahaa in Madaxda Puntland iyo Jubbaland inay kaso qayb galaan shirka ay Iclaamisay Qaramada Midoobay dhamaadka bishan ee 29/7/2015-ka lagu wado inuu ka dhaco Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in aysan shirkaas ka qeyb geli doonin, oo aysan miis la fariisan doono Madaxda federaalka, isla markaana aysan ka tanaasuleyn wixii ay xaq u leeyihiin, illaa laga dhameeyo qodobada la isku diidan yahay.

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in kulan kale ay isugu yimaadaan madaxdan, waxaana la sheegay in kulamo wada tashiyo ay la leeyihiin xubnaha Wasiirada ee kula sugan magaalada Garowe.

Lama oga sida uu is-afgarad ku dhici doono, waxaase laga yaabaa haddii xal laga gaari waayo qodobada la isku mari la’yahay suura-galnimada in xubnaha Beesha Caalamka soo fara geliyaan, sida horay u dhacday oo kale.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!