Wada-hadalladii Isbtanbul ee DF iyo Soomaliland oo ku dhaw in lagu kala tago

by admin | Monday, Mar 2, 2015

Istanbul : HN :– Is-mari-waa adag ayaa wali ka dhax taagan wafdiga kala matalaya dowladda Soomaaliya iyo Soomaliland ee ku wadda sugan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, kaddib markii xubnaha shirka ku matalaya Soomaliland ka biyo diideen xubno ku jira wafdiga ka socda dhinaca dowladda oo ay sheegeen in ay deegaan ahaa ka soo jeedaan gobollada Waqooyi, sidda daraadeed aysan is soo hor fariisan karin.

Iyadoo lagu wadday in maalintii shalay wadda hadalladu is rasmi ah furmaan, ayaa wararka ka imanaya Istanbul waxaa ay sheegeen inWadahadalka_Somalia_&_Somalia_1 wali labada dhinac isa soo hor fariisan, kaddib markii wafdiga ka socda dhinaca Soomaaliland diideen in ay ka qeyb-gallaan fadhiga, iyaga oo dalbaday in dowladda Soomaaliya badasho xubnaha ku jira wafdiga oo ay sheegeen in ka soo jeedaan deegaannada W/galbeed.

Wafdiga ayaa wadda degan hal hotel, hasse ahaatee waxaa u kala dab-qaadaya sidda wararku sheegayaan xubno ka tirsan howl-wadeennada shirka oo isugu jira Soomaali iyo Turki.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhinaceeda sheegtay in wax la aqbali karo aheyn dooda wafdiga Soomaliland, islamarkaana xaq u leedahay dowladda in ay dirsato wafdiga ku matalaya shirka, sidda Soomaaliland dhinaceeda xaq ugu leedahay in ay soo dirsato cid kasta oo ay aragto in ay ka tarjumeyso masiirkiida siyaasadeed.

Xubnaha wafdiga dowladda ka tirsan ee Soomaaliland diiday waxaa ay kala yihiin wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cali Axmed Jaamac Jangali, wasiirkii hore ee Gaadiidka iyo duulista Hawada Saciid Qoorsheel iyo xildhibaan lagu magacaabo Cilmi.

Haddii uu xaalku siddan sii ahaado ayaa la leeyahay wadda hadalladu waxaa ay qarka u saaran yihiin in lagu kala tago.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!