Wada-hadalladii Somalia iyo Somaliland oo si rasmi ah uga furmay magaalada Istanbul

by admin | Sunday, Mar 1, 2015

Istanbul  : HN :–Waxaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga si rasmi ah uga furmay maanta wareegii sideedaad wada-hadallada u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Somaliland ayaa socoshada shirka ku xirtay shuruud adag oo ah in haddii ay ka mid yihiin ergada matalaysa dowladda Somalia dad kasoo jeeda deegaannada Somaliland ay ka bixi doonaan shirka, inkastoo la ogeyn sida ay wax noqon doonaan.

Wasiirka arrimaha gudaha Somalia, C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo horkacaya wafdiga dowladda Soomaaliya ku matalaya shirka ayaa hadal uu baahiyay ku sheegay inuu rajeynayo inay natiijo wanagsan shirkan kasoo baxdo.

Sidoo kale, wasiirka madaxtooyada Somaliland, Xirsi Xaaji Cali Xasan oo isna ka mid ah wafdiga matalaya maamulka Somaliland ayaaWadahadalka_Somalia_&_Somalia_1 sheegay in aysan ka filayn in wadahadallada natiijo wanaagsan kasoo baxdo, maadaama aan la fulin qodobadii ay labada dhinac horay ugu heshiiyeen.

Waxaa kaloo Xirsi Xaaji Cali uu ka codsaday xubnaha ka socda dowladda Somalia inay ogolaadaan in muhiimadda loo daadego; taasoo ah sida uu sheegay in laga hadlo gooni-isku-taagga Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, lama saadaalin karo natiijada kasoo bixi karta shirka Soomaaliya iyo Somaliland maanta markii sideedaad uga furmay dalka Turkiga, kaasoo ay gar-wadeen ka tahay xukuumadda Ankara.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!