Wada hadalladii Somalia iyo Soomaaliland oo dib u dhacay ku yimid

by admin | Thursday, Feb 26, 2015

Turkiga : HN :–Iyadoo maanta lagu wadda in dalka Turkiga uu mar kale dib uga furmo wadahadalladii u dhaxeeyay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa warar soo baxaya waxaa ay sheegayaan in wada-hadalladaasi dib u dhaceen.

Illaa iyo hadda lama sheegin sababaha dib loogu dhigay wadahadalladaan oo horay loogu ballansanaa inay maanta oo Khamiis ah dib u billowdaan, iyadoo dhanka dowladda Somalia aanu jirin wax hadal ah oo weli kasoo baxay.

Balse, Somaliland ayaa sheegtay in wadahadalladu ay furmayaan bisha soo socda kowdeeda oo ku beegan maalinta Axadda ah ee naguWadahadalka_Somalia_&_Somalia_1 soo fool leh, iyadoo wadahadalladan ay dib u dhaceen dhowr jeer oo isku xigta.

Madaxweynaha Somalia iyo kan Somaliland ayaa kulan ay dhammaadkii 2014-kii ku yeesheen dalka Jabuuti waxay iskula garteen in dib loo billaabo wadahadalladii uga socday Turkiga, wixii ay isku qabtaann ay u kaashadaan dalal ay ka mid tahay Jabuuti.

Wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland u dhexeeya ayaa ahaa kuwu ay dabada ka riixaysay dowladda Turkiga, si ay isugu soo dhaweyso labada dhinac oo fikrado kala duwan kala aamisn.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!