Wada hadallo Garoowe uga furmaya wafdiga federaalka iyo mas’uuliyiinta maamulka Puntland

by admin | Saturday, Oct 11, 2014

Garoowe : HN :– Kadib safar maalintii shalay magaalada Garoowe ee xarunta maamul gobolleedka Puntland uu ku tagay  ra’iisal wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Max’ed iyo wafdi uu horkacayo, ayaa wararka saakay ka imanaya waxaa ay sheegayaan in wada hadallo halkaa uu uga furmayo wafdiga federaalka iyo mas’uuliyiinta maamulka Puntland.

Wararku waxaa ay sheegayaan in guddiyo ka socda labada dhinac maanta uu dhaxmari doono wada hadallo toos ah oo lagu falan-qeyn doono arrimo dhowr ah, sidda cabashada Puntland ee ku aadan dastuurka iyo waliba khilaafka ka dhashay dhismaha maamulka gobolada dhexe ee Mudug iyo Galguduud.

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo shalay ay shir jaraa’id oo wada jir ah ay qabteen isaga iyo Ra’iisul Wasaare C/waligaas-iyo-cabdiwali Sheekh Axmed ayaa soo hadal qaaday mad madowga siyaasadeed, isagoo qiray in wali waxyaabo badan ay ka tabanayaan dhanka dowladda Federaalka.

Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed ayaa rajo ka muujiyay in labada dhinac ay isu soo dhowaan doonaan, isla markaana meesha laga saari doono mad madowgii u dhaxeeyay.

Puntland ayaa horay xiriirka ugu jartay dowladda Federaalka, kadib markii ay ka soo horjeesatay heshiiskii Maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud, oo ay qeyb ka mid ah Mudug ka arimiso Puntland.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!