Wada hadallo magaalada Garoowe uga furmay madaxda maamulada Jubba iyoPuntland

by admin | Sunday, Jul 12, 2015

Garoowe : HN :–Wararka ka imanaya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, ayaa sheegaya in halkaa uu si rasmi ah uga furmay wadda-xaajood u dhaxeeya madaxweynayaasha maamul gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland Cabdiwali Max’ed Cali Gaas iyo Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland,Sheekh Axmed Madoobe ayaa markii uu Garoowe tagay waxaa uu sheegay ujeedka ugu weyn ee safarkiisa inay tahay xoojinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Puntland iyo Jubbaland.

Wada-hadallada xilligan u billowday labada dhinac waxaa lugu sheegay in looga hadlayo arrimo ay ka mid yihiin xaaladda Soomaaliyaaxmedgaaas iyo hirgalinta nidaamka faderaalka oo waddada ay ku hoggaaminayso dowladda dhexe ka soo horjeedan Puntland iyo Jubbaland.

Shirka socda waxaa la sheegay in uu yahay mid lugu doonayo siyaasad wada-jir ah inay labada maamul ku wajahaan dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya oo ay ku dhaliilayaan inay hareer martay hirgalinta dastuurka KMG ah ee dalka iyo qab dhismeedka maamullada gobollada.

Marka ay soo dhammaadan wada-hadallada socda oo la fili karo labada maalin ee soo socota inay socdan waxaa laga soo saari doona war-murtiyeed looga hadlayo qodobada ka soo baxay shirka ay qaateen madaxda Jubbaland iyo Puntland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa kulan gaar ah la qaadanaya madaxweynaha Puntland oo ay waheliyaan qar ka mid ah golayaasha dowladda si looga hadlo xaalada siyaasadeed ee u dalka ku jiro.

Warbaahinta gudaha ayaa qar ka mid ah waxaa ay baahiyeen surta-galnimada in Puntland iyo Jubbaland ay qaadacaan wada-tashiga saddexaad ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamullada xubnaha ka ah.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!