Wada hadallo u furmay xukuumada Soomaaliland iyo xisbiyada mucaaradka

by admin | Wednesday, May 20, 2015

Hargeysa : HN :–Wad-hadallo u dhaxeeya xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID iyo xisbiga taladahaya ee KULMIYE iyo xukuumadda oo isku dhinac ah ayaa maanta si rasmi ah ugu furmay magaalada Hargeysa.

Madaxweyne ku-xigeenka Soomaaliland, Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil Saylici ayaa furay wada-xoojodka mucaaradka iyosiilanfarey xukuumadda oo ah mid lugu raadiyo xal ay isgau soo dhawaadan.

Saylici oo hadal kooban ka jeediyay furitaanka kulankan wuxuu sheegay in uu ku kalsoonyahay in hogaamiyayaasha mucaaradka iyo muxaafidba ay ku heshiin doonaan wax u dan ah Somaliland oo khilaafka lagu soo afjaro.

Wada hadalladan waxaa dhinaca xisbiga talada haya hoggaaminaya guddoomiye Muuse Biixi Cabdi , dhinaca xisbiyada mucaaradka ee WADDNI iyo UCID waxaa hoggaaminaya labada gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi Cirro iyo Faysal Cali Waraabe.

Wadahdaladan ayaa dabo socda baaq uu madaxweynaha Somaliland,Axmed Siilaanyo mucaaradka kaga dalbaday in gogol nabadeed la isugu yimaado si loo dhammeeyo khilaafka ka dhashay muddo kordhinta 22 bilood ah ee dhowaan guurtidu u samaysay madaxtooyada iyo golaha wakiilada.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!