Wada-hadlladii dowladda F iyo Somaliland oo lagu kala tagay

by admin | Monday, Mar 2, 2015

Istanbul : HN :– Sidda lagu daabacay Web-ka dowladda Soomaaliya ee Radio Muqdisho waxaa fashil ku soo dhamaaday wadda hadalladii la fillayay in magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ku yeeshaan xubnihii ka kala socday dowladda Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland, kaddib markii wafdiga maamulka Soomaaliland sharuud ku xireen wadda hadallada.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in mar walba diyaar u aheyd dhinaceeda socod siinta wadda hadallada iyo ka miro dhalinta yoolka loo socdo ee la hiigsanayo, laakiin taa badalkeeda dhinaca Soomaaliland, marnaba diyaar u aheyd in ay sii socdaan wadda hadallada.

”Dhinacna xaq uma laha in uu dhinaca kale u yeeriyo cidda ku mataleysa wadda hadallada, sidda daraadeed dowladda Soomaaliya aadastaanta-qaranka ayeey uga xun-tahay sidda ay u dhaqmeen xubnihii ka socday Soomaaliland, ayaa lagu yiri war ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Waxaa la sheegay in xubnihii tagay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga dib ugu soo noqonayan magaalada Muqdisho si ay la tashi ula sameeyaan madaxda Qaranka.

Wafdiga ka socda dhinaca maamulka Soomaaliland ayaa sharuud adag ku xiray wadda hadallada iyaga oo sheegay in marnaba aysan aqnbali doonin ay soo fariistaan miiska wadda hadalka xubno sidda ay sheegeen dhalasho ahaan ka soo jeeda deegaannada Soomaaliland, laakiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!