Wada-hadllo u socda saraakiisha Ahlu Sunna iyo kuwa Jabuuti ee AMISOM

by admin | Thursday, Apr 2, 2015

Matabaan : HN :–Wararka naga soo gaaraya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in wada -hadallo halkaa ku leeyihiin saraakiisha ciidammada Jabuuti ee AMISOM iyo kuwa Ahlu Sunna Waljameeca, kaddib markii ay Ahlu Sunna is hortaag ku sameysan ciidammo Jabuuti ah oo doonayay in ay ka gudbaan halkaa iyaga oo ku sii jeeday degmada Cadaado.

Wararku waxaa ay intaa ku darrayaan wada hadaladan oo socday tan iyo shalay ayaa ku saabsanaa sidii Ciidamada Jabuuti ee ku xayiran duleedka Matabaan ay ugu gudbi lahaayeen.

Wararka ayaa sheegaya in wada hadalada ay meel fiican marayaa, ayna ku lug leeyihiin odayaal deegaanka ah, iyadoo tan iyo shalay ayJabuuti-H jirtay cabsi ah in isku dhacyo dhex maro Ciidamada Jabuuti iyo ciidanka Ahlusuna.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xaalada degmada ay tahay mid wanaagsan, dadka deegaankana ay dhegta ku hayaan natiijada ka soo bixi karta wada hadalada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Saraakiil ka tirsan Ahlusuna ay ku wargeliyeen ciidanka Jabuuti inay dib ugu laabtaan Beledweyn, maadaama aanay taageersaneyn shirka maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Ciidamada Jabuuti ayaa maalin ka hor lagu celiyay duleedka Matabaan, iyagoo doonayay inay u gudbaan degmada Cadaado, halkaasoo qorshuhu yahay inay ka qeyb qaataan howlaha sugida amniga shirka maamul u sameynta gobolada dhexe.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!