Wadaad caan ah oo lagu dilay magaalada Baydhabo

by Yahye | Sunday, Jan 18, 2015

Baydhabo: HN:- Wadaad lagu magacaabi jiray Shariif Sayid Ow-Nuuroow oo Magaalada Baydhabo laga garanaayay ayaa xalay lagu dilay Magaaladaasi, sida uu xaqiijiyay Saalax Shariif Sayid Ow-Nuuroow oo ah wiil uu dhalay wadaadka la dilay.

Kooxo hubaysan ayaa wadaadka waxa ay dileen, xilli uu kasoo baxay masaajidka sida dadka goobjooga ahaa wariyeen.
Ragga hubaysan ee Bistoolado ku hubeysnaa ayaa rasaas qaybaha sare ee jirkiisa kaga dhuftay wadaadka, waxaana taasi ay keentay inuu halkaasi durba ku geeriyoodo.
Ciidamada ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa soo gaaray goobta dilka uu ka dhacay, halkaasi oo ay ka sameeyeen howlgalo ammaanka lagu xaqiijinaayo.
Lama garanaayo kooxda dilka geystay waxa ay ahaayeen.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!