Wadaad xala lagu dillay magaalad Baydhabo ee xarunta gobolka Baay

by admin | Tuesday, Feb 3, 2015

Baydhabo : HN :– Warar ka imanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ayaa sheegaya in rag hubeysan toogasho ku dilleen wadaad caan ka ahaa gobolka Baay, xili uu ku jiray sidda la sheegay salaadii cishaha.

Ma jirto illaa hadda cid sheegatay inay mas’uul ka tahay dilka wadaadkan labaad ee Baydhabo lagu dilay, iyadoo sidoo kalena aan la ogeyn sababta loo dilay Sheekh Xasan Sheekh Xuseen.

Dilkan wadaadkan ayaa imaanayaa iyadoo isla toddobaadkan gudahiisa lagu dilay Baydhabo Sheekh Shariif Siid Cali (Siidi) oo ka midBaydhabo_Somalia_HOL ahaa culummada sida weyn looga yaqaanno Baydhabo, iyadoo la dilay xilli uu kasoo baxayay masjid uu kusoo tukaday.

Culumadan labada ah ee Baydhabo lagu dilay ayaa waxay ka mid ahaayeen Majmaca Culumada Ahlusunna ee Baydhabo, waana culumada uga waaweyn magaalada oo qayb weyn ka qaatay fidinta diinta Islaamka illaa waqtiganna lama soo qaban ciddii dishay culummadan.

Dhanka kale, ciidamada amniga Baydhabo ayaa toddobaadkan gudihiisa ku qabqabtay Baydhabo dhallinyaro badan oo lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, kuwaasoo qaarkood loo qabtay dilkii Shariif Cali Shariif Siidi.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!