Wadaad meydkiisa laga hellay dulleedka magaalada Gaarisa

by admin | Monday, Dec 29, 2014

Gaarisa : HN :– Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaarisa ee gobolka W/bari dalka Kenya ayaa sheegaya in meel dulleedka ka ah  Gaarisa laga hellay meydka wadaad muslimi ah.

Marxuumka meydkiisa la hellay oo magaciisa lagu sheegay Max’ed Cali Qeyr ayaa la sheegay in meydkiisa laga helay goob biyo badan fadhiyaan oo ku taala deegaanka Embu oo 150 KM dhanka waqooyi bari kaga beegan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Wadaadka ayaa ciidamada Kenya ka xereen magaalada Gaarisa, oo 367 km dhanka waqooyi bari kaga beegan magaalada Nairobi, maalintii khamiista ee lasoo dhaafay.

Qaar ka mid ah hoggaamiyaasha Muslimiinta magaalada Gaarisa ayaa sheegay in wadaadkaasi ay beegsadeen waxay kuKenyatiga sheegeen ciidamada ka hortaga argagixisada oo ka tirsan ciidamada booliska kenya.

Dowlada Kenya iyo saraakiisha ciidanka ayaanan wali wax war ah kasoo saarin wadaadkaasi meydkiisa laga helay duleedka deegaanka Embu ee dalka Kenya.

Sheekh Maxamed Cali Kheyr oo lagu naaysi jiray Sheekh Dawaara, ayaa maalin kaddib afduubkiisa, sabtidii aynu soo dhaafnay waxaa Meydkiisa laga helay meel Bulaacad ah oo ku taallo deegaanka Embu oo ka tirsan Gobalka Eastern Kenya.

Magaalada Gaarisa, ayaa shalay waxaa ka jiray buuq iyo daganaasho la’aan kadib markii dadka ku dhaqan magaaladaas ay isku soo baxeen, ayagoo sheegay iney ka xun yihiin dilka wadaadkaas oo shalay meydkiisa dib loogu celiyay magaaladaas isla markaasna lagu aasay.

Dhanka kale,wadaadka la dilay oo ahaa Ganacsade caan ka ah gobalka waqooyi bari Kenya, ayaa rag hubeysan ay xoog ku saareen baabuur ay wateen, xili ay gacmaha ka xireen Khamiistii aynu soo dhaafnay isagoo ku sugnaa wadada lagu magacaabo Post-da ee dhex marto magaalada Gaarisa, sida ay warbaahinta u sheegeen dad goob joogayaal ahaa.

Bishii November afarteedii, wadaad muslim ah oo lagu magacaabayay Saalim Bakari Mwarangi, ayaa lagu dilay magaalada Mombasa ee dalka kenya.

Wadaadkaasi ayaa lala xiriiray ururka Al-shabaab ee ka dagaallama dalka Soomaaliya, waxaana lagu eedeeyay inuu dhallinyarada kaga qorayay magaalada Mombasa.

Hay’adda xuquuqda aadanah ayaa ciidamada booliska dalka kenya ku eedeeyay inay ka dambeeyaan beegsiga wadaadada muslimiinta ee dalka Kenya.

Hiiraan Net.
___

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!