Wadamo ku yaala Khaliijka oo lagu eedeyey inay maalgeliyaan Al-shabaab

by Yahye | Friday, Oct 17, 2014

New york; HN;- Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan dabagalka hubka Soomaaliya ayaa sheegtay inay jiraan waddamo ku yaalla Gacanka Carbeed oo maalgeliya Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku tilmaantay inay lid ku yihiin dedaallada lagu doonayo in meesha looga saaro argagixisada.

Dalalkaas ayay kooxdu ku sheegtay inay kala yihiin; Imaaraadka Carabta, Cumaan, Kuwait iyo Sacuudiga, oo lagu helay inay si sharci-darro ah uga iibsadeen Al-Shabaab dhuxusha Soomaaliya oo sanadkii 2012-kii uu ka ganacsigeeda mamnuucay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Warbixinta kooxda dabagalka hubka Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in wada-shaqayn xumida dhanka dowladda ee waaxda dabagalka hubka ay caqabad ku tahay in baaritaan buuxa lagu sameeyo arrintan.

Dhuxusha loo dhoofiyo waddamada Khaliijka ayaa sanad kasta waxaa ka soo gala Al-Shabaab lacag gaaraysa ugu yaraan $250 milyan.

Warbixinta ayaa imaanaysa xilli ay ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM la wareegeen gacan ku haynta degmada Baraawe oo ay ahayd magaaladii ugu muhiimsaneyd uguna dambeysay ee ay haysatay Al-Shabaab.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!