Wadanka Uganda oo saraakiil Soomaaliya ka jooga shaqada ka joojisay

by Yahye | Thursday, Nov 6, 2014

Muqdisho; HN;- Dowladda Uganda ayaa shaqada ka fariisisay 15 ka tirsan saraakiisha ciidanka dalkeeda ee ka howlgala Soomaaliya, kaddib markii lagu eedeeyay tacaddiyo dhanka jinsiga ah.

Tallaabada ayaa imaaneysa xilli hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ay horraantii bishii sagaalaad ee sanadkan ku eedeysay qaar ka tirsan ciidanka nabad-ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM) inay kufsi tacaddiyo kale u geysteen haween iyo gabdho da’yar oo Soomaali ah, xilli ay dawo iyo cunno u doonteen xeryaha ay deggen yihiin ciidanka.

Afhayeenka militeriga Uganda, Paddy Ankunka ayaa maanta u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in hadda ay sameynayaan qiimeyn guud oo aan aheyn oo keliya eedda la xiriirta tacaddiga dhinaca galmada ah.

Wuxuu tilmaamay in baaritaan ay ku sameynayaan eedaha loo soo jeediyay saraakiisha, marka uu soo gabagaboobo baritaankana ay ogaan doonaan ku lug lahaanshaha tacaddiyada lagu soo eedeeyay, inta ka horreysana shaqada laga joojiyay.

Madaxa Midowga Afrika, Nkosazana Dlamini-Zuma ayaa horay u amartay baaritaan la xiriira kufsiga lagu eedeeyay ciidanka AMISOM, kaasoo lagu wado in lasoo gabagbeeyo 30-ka bishan.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!