Wadda hadalladii Soomaliya iyo Soomaliland oo dib uga bilaabanaya dalka Turkiga

by admin | Wednesday, Feb 25, 2015

Turkiga : HN :–Waxaa lagu waddaa in maalinta bari ah wadda hadaladii u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo maamulka Soomaaliland dib uga bilaawdaan dalka Turkiga.

Shirka ayaa waxaa uu yahay mid labada dhinac ay ku sii ambaqaadayaan qodobadii lagu heshiiyay kulankii ka dhacay dalka Jabuuti dhamaadkii sanadkii aynu ka soo gudubnay.

Dhamaadkii sanadkii aynu ka soo gudubnay ayaa kulna ka dhacay dalka Jabuuti waxa ay labada dhinac oggolaadeen in kulan kale ay ku yeeshaan dalka Turkiga.

Hase ahaatee kulankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo khilaaf xoog leh uu ka dhex jiro madaxweynaha Somaliland Axmed MaxamedSiilaanyo Maxamuud Siilaanyo iyo guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi iyo weliba dhowr maalmood kadib markii uu booqashada ku yimid magaalada Muqdisho Madaxweynaha dalka Jabuti Ismacil Cumar Geelle.

Ugu danbeyntii labada maamul ayaan wali ka hadlin kulanka ka dhacaya dalka Turkiga waxyaabaha loogaga hadli doono, hasse ahaatee wararka ayaa sheegaya in kulankan loogaga hadli doono qodobadii hore labada dhinac ay iskula gaareen magaalada Jabuuti.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!