Wafdi isugu jira siyaasiyiin iyo waxgarad oo gaaray magaalada Beledweyne

by admin | Saturday, Mar 28, 2015

Beledweyne : HN :– Waxaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne wafdi isugu jiray siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda gobolka Hiiraan, waxaana ku soo dhaweeyay garoonka guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax.

Xildhibaan Daahir Xassan Cabdi oo horkacaya wafdiga ayaa sheegay in socdaalkoodu ku wajahan yahay ka qeyb-gallka shirweyne la fillayo in uu ka furmo magaalada Beledweyne, kaa oo jeedadiisu tahay dib-u-hishiisiin iyo dhismaha dowlad gobolleed uu yeesho gobolka Hiiraan.

‘’Ujeedada dhabta ah ee socdaalkeena waa ka qeyb-gallka shir dib-u-hishiisiin ah oo la doonayo in ay ku wadda-hadllaan beellahaGrabbed Frame 25 degan gobolka, waxaana shirkaa ka qeyb-galli doona odayaasha iyo waxgaradka beellaha ku abtirsada gobolka, si loo dhameeyo wixii khilaaf ah ee jira ama ay kala tirsanayaan beellaha ku wadda dhaqan gobolka Hiiraan’’ ayuu yiri xildhibaan Daahir Xassan Cabdi.

Mar uu ka hadllayay arrimaha federaalka iyo dhismaha maamul gobolleedyada, ayaa sheegay in marka uu soo dhamaado shirka dib-u-hishiisiinta la fillayo in uu gobolka ka furmo shirweyne lagu dhisayo dowlad gobolleed ay ku mideysan yihiin labada gobol ee kala ah Hiiraan iyo Shabeellaha Sare.

‘’Sidda aad ka war-qabtaan madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed waxaa uu wareegto ku soo saaray islamarkaana uu saxiixay in gobolka Hiiraan loo qeybiyay labo gobol oo kala ah Hiiraan iyo Shabeellaha Sare, waxaa la wadda og-yahay in gobolka Hiiraan uu aas-aas ama saldhig u ahaa Jamhuuriyadii Soomaaliya, sidda daraadeed suurtagal ma’aha in bulshada lagu dirqiyo dhismaha maamul aysan raali ka aheyn’’ ayuu y iri xildhibaan Daahir.

Mar uu soo hadal qaaday wararka sheegaya in la dhisayo maamul ama dowlad goboleed ay ku mideysan yihiin labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayuu sheegay in arrintaa aan hadda waqtigeeda la gaarin.

‘’Annaga hadda arrintaa uma socono, waxaan rabaa in aan mar kale kuu sheego waxaa dhismaya dowlad gobolleed ka kooban Hiiraan iyo Shabeellaha Sare, wixii xiligaan ka danbeeya bulshada gobolkan ku dhaqan ee sameysatay dowlad gobolleedka ayaa go’aan ka gaari doonta haddii ay aqbalayaan in ay isku biiraan gobol kale’ ayuu hadalkiisa raaciyay.

Dhawaan ayaa la fillayaa in uu magaalada Beledweyne ka furmo shir loog arrinsanayo aayaha iyo mustaqbalka siyaasadeed ee gobolka Hiiraan, waxaa shirkaa ku soo biiri doona ama ka qeyb-gali doona siyaasiyiin iyo aqoonyahanno ka soo jeeda gobolka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!