Wafdi isugu jiray siyaasiyiin iyo qurbo joog maanta gaaray magaalada Beledweyne

by admin | Tuesday, Mar 31, 2015

Beledweyne : HN :– Waxaa magaalada Beledweyne maanta lagu soo dhaweeyay qeybtii labaad xubno isugu jiray siyasiyiin hore iyo aqoonyahanno ka soo jeeda gobolka Hiiraan, kuwaa oo qeyb ka ah wafdi ballaaran oo la fillayo in maalmaha soo socda gaaraan magaalada Beledweyne.

Wafdiga maanta tagay magaalada Beledweyne waxaa horkacaya wasiirkii hore ee waxgaradka dowladdii ku-meel-gaar aheyd Pro DCIM225MEDIACabdnuur Sheekh Max’ed, waxaana siddoo kale ka mid ah aqoonyahanno iyo rag kale oo qurbo joog ah.

Wafdiga ayaa qeyb ka ah wafuud heer sare ah oo la sugayo maalmaha soo socda kuwaa oo ku biiri doono shir maalintii shalay ka furmay magaalada Beledweyne oo isugu jiray shir dib-u-hishiisiin iyo wadda tashi ah.

Pro Cabdnuur oo hadllay ayaa yiri ” ”Runtii waxaan bogaadinayaa wafdigii naga soo horeeyay iyo guddigii shirkan wadday ee halkan ka furay, annagana waan ku biirin doonaa wixii  tallo iyo tusaalle shirka”

Nabadoon Axmed C/dulle Jicmaalle ayaa sheegay in ay siweyn u soo dhaweynayaan siyaasiyiinta iyo aqoonayahannada reer Hiiraan, islamarkana maalmaha nagu soo fool leh sugayaan tiro kale oo intan ka sii badan si loo xoojiyo shirka wadda-tashiga ah ee ka soconaya magaalada Beledweyne .

Hiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!