Wafdi isugu jiray xildhibaanno iyo siyaasiyiin gaaray magaalada Beledweyne

by admin | Tuesday, Apr 14, 2015

Wafdi-27Beledweyne : HN :–Garoonka diyaraadaha magaalada Beledweyne ayaa waxaa gaaray barqanimadii maanta labo diyaaradood oo sidday wafdi isugu jiray xildhibaanno, siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda gobolka Hiiraan.

Ugu horreyn waxaa garoonka kusoo dagtay diyaarad siday wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay, Ibraahim Xabeeb Nuur iyadoo daqiiqado kaddibna soo gaartay garoonka diyaarad kale oo ay la socdeen wafdi uu horkacayay xildhibaan Cabdnuur Boodaaye.

Xildhibaan Daahir Xassan Cabdi oo maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa Beledweyne oo ka qeyb-gallay soo dhaweynta wafdiga, ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan-yahay imaashaha xildhibaannada siyaasiyiinta iyo waxgaradka ka soo jeeda gobolka, kuwaa oo xoojinaya ka qeyb-gallka shirka wadda-tashiga ah ee dhawaan la fillayo in uu ka furmo magaalada Beledweyne.

Wafdi-3“Aniga iyo wafdiga ila socda waxaan halkan u nimid inaan xoojinno walaalihii Balaweyne nooga soo horreeyay kana qeyb-galno shirka dib-u-hishiisiinta iyo wada-tashiga isugu jira ee dhawaan ka furmi doona magaalada Beledweyne,” ayuu yiri Ibraahim Xabeeb.

Sidoo kale, xildhibaan Cabdinuur Boodaaye oo shir jaraa’id kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maalmaha soo socda siddoo kale filayaan wafuud intan ka badan, dhamaanna laga wadda qeyb-galli doono shirweynaha lagu baaqay in uu ka furmo Beledweyne.

Wafdi-18Wafdi-26Wafdi-30Dhawaan ayaa la fillayaa in uu ka furmo magaalada Beledweyne shirweyne isugu jiray dib-u- hishiisiin iyo wadda-tashi la xiriira mustaqbalka siyaasadeed ee gobolka.

Hiiraan net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!