Wafdi ka socda dowlada fedraalka oo safar ugu ambabaxay magaalada Jig-jiga

by admin | Friday, Jun 5, 2015

Muqdisho: HN: – Wafdi uu hoggaaminayo  wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha dibadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta gaaray magaalada Jigjiga ee caasimadda ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Wafdiga oo ka tagay magaalada Dhuusamarreeb waxaa qeyb ka ah guddoomiyaha gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye (Cirfo), siyaasiyiin iyo Odayaal dhaqameed.

Gudoomiyaha gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye (Cirfo) ayaa sheegay in ujeedka safarkooda uu yahay sidii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ay uga wada hadli lahaayeen joojinta dagaallo ka dhacay xadka Itoobiya iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca Galgaduud iyo Hiiraan.

Qaar ka tirsan odayaasha deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa sheegay in dagaalka uu sababay dhimashada dad reer miyi ah oo deggen tuulooyin ka tirsan gobolka Galgaduud oo xuduud la leh Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horey ugu hadashay joojinta dagaalkaas.

Ciidammada Liyuu Boolis ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin dagaalka, iyagoona xasuuq ka geystay miyaga xuduuda u dhexysa Somaliya iyo Eithiopia.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!