Wafdi ka socda dowladda Britain oo gaaray magaalada Kismaayo

by admin | Tuesday, Dec 9, 2014

Mudisho : HN :– Xubno ka socda dowladda Britain oo uu horkacayo safiirka UK ee Soomaaliya ayaa gaaray gallinkii danbe ee shalay magaalada Kismaayo, iyadoo wafdigani uu kulamo la qaatay wasiirro iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan maamulka Jubba.

Saraakiisha ka soctay dowladda Britain waxaa waxaa soo dhaweeyay madaxweeyne kuxigeenka 2-aad ee maamulka Jubba Mudane C/qaadir Xaaji Max’uud Lugadheere iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka Jubba.

Intaa kadib ayaa wafdigii ka socday dowladda UK waxa uu hoolka shirarka ee garoonka Kismaayo kulan kula qaatay laamaha amnigawaft maamulka Jubba iyo weliba xubno ka tirsan wasiirada, iyadoo kulankaasi ay dibad-joog ka ahayd saxaafadda.

Kulanka ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa saxaafadda uga warbixiyay wasiirka maaliyadda Maamulka Jubba, waxa uuna sheegay in madaxdii ka socotay dowladda UK ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa dhinacyada amniga iyo horumarinta deegaanada uu ka arimiyo maamulka Jubba.

Wasiirk arimaha bulshada maamulka Jubba Macalim Max’ed Ibraahim ayaa dhankiisa sheegay in dowladda UK ay hore barnaamijyo horumarineed uga fulisay Jubooyinka, waxa uuna xusay in ay isku afgarteen dhammaan qodobadii ay ka wada hadleen.

Dowladda UK ayaa hore magaalada Kismaayo uga fulisay barnaamijyo horumarineed oo ay kamid tahay dib u dhis ay ku sameeysay garoonka kubadda cagta ee degmada Kismaayo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!