Wafdi ka socda dowladda dhexe iyo gobolka Banaadir oo gaaray Jowhar

by wadani | Saturday, Oct 15, 2016

Jowhar : HN :-Waxaa magaalada Jowhar ee Xarunta Gobalka Shabeellaha Dhaxe goor dhoweyd gaaray wafdi uu hogaaminayo Wasiiru dowlaha Maaliyadda, Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqisho Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo taliyihii hore ee Ciidanka Nabad sugida  Soomaaliya.

Imaanshaha wafdiga ayaa la xariirta xalinta xiisado ku furmay shirka Jowhar ee dhismaha maamulka Hirshabeelle, kaddib markii Ciidamo miilatari ku heyb ah Musharaxa madaxweyne kuxigeenka ay muddo saacado la wareegeen xarunta shirka uu ka socdo.

Guriga Gobolka ayaa waxaa xilligan ka socda kulan looga hadlayo xiisada taagan iyo sidii xal looga gaari lahaa, waxaana kulanka ka qeyb galaya Wasiirka Arrimaha Gudaha oo horay ugu sugnaa Jowhar, Wasiiru dowlaha Maaliyada C/llaahi Maxamed Nuur, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliyihii hore ee Nabadsugida C/raxmaan Tuur Yare.

Ugu danbeyntii, waxaa magaalada Jowhar ka soconayo wada hadal lagula jiro qaar mid ka mid ah beelaha dega Gobalka Shabeelaha Dhaxe oo cabasho ka qabta doorashada socota degmada Jowhar ee lagu dhisayo Maamulka Hirshabeelle

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!