Wafdi ka socda dowladda dhexe iyo maamulka Galmudug oo gaaray magaalada Beledweyne

by wadani | Tuesday, Dec 15, 2015

Booqashada-Wasiirada-B.weyne-20Beledwyene : HN ; –Xubno ka tirsan gollaha wasiirrada xukuumada Soomaaliya, xildhibaanno iyo madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug, ayaa goor dhaw gaaray magaalada Beledweyne e xarunta gobolka Hiiraan.

Xubnaha gollaha wasiirrada ayaa waxaa ka mid ah wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya C/risaaq Cumar Max’ed, wasiirka dhalinyarrada iyo cayaaraaha wasiirka batroolka , wasiiru-dowlayaasha madaxtooyada, maaliyada iyo xildhibaanno ay ka mid yihiin Daahir Amiin Jeesoow iyo xildhiaan Max’ed Max’uud Goodir.

Booqashada-Wasiirada-B.weyne-8Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug C/kariin Xusseen Guulleed oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne, ayaa ujeedada socdaalkooda ku sheegay siddii ay qeyb uga noqon lahaayeen dadaallada nabadeed ee socda, isaga oo ugu baaqay dhinacyada dagaallamaya in ay u hogaansamaan baaqyada nabadeed ee loo jeedinayo.

Xubnaha wafdiga ayaa xiligan ku sugan xarunta maamlka gobolka iyaga oo halkaa wadda-hadallo kula leh, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beellaha daagaallamaya qaarkood.

Booqashada-Wasiirada-B.weyne-18Booqashada-Wasiirada-B.weyne-17Booqashada-Wasiirada-B.weyne-15Booqashada-Wasiirada-B.weyne-6Booqashada-Wasiirada-B.weyne-14Booqashada-Wasiirada-B.weyne-13Booqashada-Wasiirada-B.weyne-5Booqashada-Wasiirada-B.weyne-2Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!