Wafdi ka socda dowladda oo ku biiraya kulamada dhax-dhaxaadinta ee ka socda degmada Guri-ceel

by admin | Tuesday, Feb 17, 2015

Guri-ceel : HN :–Guddigii dhex dhexaadinta dagaalkii Guri-ceel oo ka kooban 32-xubnood ayaa ka warbixiyay halka ay mareyso, waan waanta ay ka dhex wadaan, dhinacyadii ku dagaalamay degmada Guri-Degmada_Guriceel_Gobolka_Galguduudceel.

Nabadoon Daahir Macalin Faarax ayaa sheegay in labada dhinac ee ku dagaalamay Guri-ceel ay ka aqbaleen heshiis xabad joojin ah, isla markaana dhowaan ay ku howlan yihiin inay dhameystiraan heshiiska.

“Waxaan labada dhinac ee dagaalamay ay naga aqbaleen in ay xabada joojiyaan, waxaana ku howlanahay dadkii ka barakacay deegaanka inaan dib ugu soo celino”ayuu yiri nabadoonka oo la hadlayay warbaahinta.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in wafdi ka socda dowladda oo uu hogaaminayo wasiirka Gaashaandhiga ay maalmaha soo socda ku soo wajahan yihiin degmada Guri-ceel, si ay uga qeyb qaataan wada hadalada labada dhinac.

Ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin duleedka degmada Guriceel, halka ciidankii Ahlusuna ay ku sugan yihiin gudaha degmada, waxaana labadii maalmood ee u dambeeyay ay xaalada aheyd mid degan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!