Wafdi ka socda dowladda oo ku wajahan magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud

by admin | Monday, Jun 15, 2015

dhuusamareeb1-620x264Dhuusa-mareeb : HN :–Wafdi uu horkacayo wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Max’ed Xusseen Odawaa ayaa lagu wadaa in ay gaaraan magaalada Dhuusa-mareeb oo todobaadkii hore ay la wareegeen xoogag ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca.

Saraakiisha Ahlusunna ee ku sugan Dhuuso-mareeb ayaa iyagana waxay dadweynaha ku boorriyay inay u diyaar-garoobaan soo dhaweynta wafdi ka socda dowladda Somalia oo soo gaaraya Dhuuso-mareeb.

Booqashada ay wafdigan ka socda dowladda Somalia ku tagayaan Dhuuso-mareeb ayaa imaanaysa xilli maalmihii u dambeeyay ay socdeen dadaallo Ahlusunna looga dhaadhi-cinayo inay ka baxdo Degmada Dhuuso-mareeb.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaan weli si rasmi ah uga hadlin Booqashada la filayo in uu maanta ku tago magaalada Dhuuso-mareeb ee Gobolka Galguduud, laakiinse toddobaadkii hore ayay ahayd markii uu sheegay wasiirku inay dowladdu tallaabo ka qaadayso Ahlusunna oo uu ugu yeeray koox nabad-diid ah.

Laakiin socdaanka wasiirka ayaa lagu sheegay inuu qayb ka yahay dadaallo lagu doonayo in la isugu soo dhaweeyo Dowladda Federaalka Somalia iyo Ahlusunna, laguna Xallinayo Colaadaha kasoo dhex cusboonaaday Dowladda Somalia iyo Ahlusunna.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee Ahlusunna Waljamaaca Sheekh C/risaaq Cali Mire (Al-Ashcari) ayaa sheegay in Ahlusunna ay diyaar u tahay inay wadahadal la gasho Dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Al-Ashcari ayaa sheegay in Ahlusunna ay horay heshiisyo ula gashay Dowladda Somalia balse ay dowladdu ka baxday dhammaan heshiisyadaas, ayna mar kale diyaar u yihiin dhankooda inay la heshiiyaan Dowladda.

Ugu dambeyn, Dowladda ayaa iyaduna dhankeeda ku dhawaaqday inay wadahadallo la furayso Ururka Ahlusunna Waljamaaca, kuwaasoo dhawaan ka Qabsaday Dhuuso-mareeb oo la qorsheyay inay xarun u noqoto maamulka loo dhisayo Gobollada Mudug iyo Galguduud.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!