Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo gaaray magaalada Beledweyne

by admin | Monday, Nov 16, 2015

Beledweyne : HN :– Iyadoo wali ay ka taagan tahay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan xiisad ka dhalatay dil labo cisho ka hor loogu geystay magaalada sarkaal ka tirsanaa QM oo lagu magacaabi jiray Mahdi Xusseen Shiiqaal, ayaa waxaa maanta garay magaalada Beledweyne xubno wafdi ah oo ka socda dowladda Soomaaliya.Garoonka-Ugaas-Khaliif-Dayactir-17

Wafdiga ah guddi barayaal ah oo ay dowladda arrintan u saartay, ayaa waxaa horkacaya ku-xigeenka xeer ilaaliyaha Qaranka Max’ed Xassan Nuur, waxaana siddoo kale guddiga ka mid ah xubno ka tirsan hay’adda danbi-baarista iyo baliiska Soomaaliyeed.

Ma jirto wax war ah oo ay siiyeen warbaahinta xubnaha wafdiga ah markiiba guda-galay howsha ay magaalada u joogaan oo ah baaristan sidda uu dilka u dhacay.

Magaalada ayaa qeybo ka mid ah waxaa ku sugan maleeshiyaad ay isku heyb yihiin marxuumka la dilay, kuwaa oo dalbaday in lagu soo wareejiyo shaqsiyaadkii ka danbeeyay dilka oo ay ku tilmaameen ilaalada gaarka ah ee guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!