Wafdi ka socda Jaamacada Carabta oo gaaray magaalada Muqdisho

by admin | Monday, Dec 1, 2014

Muqdisho : HN :– Waxaa maanta gaaraya magaalada caasimada ah ee Muqdisho wafdi ka socda Jaamacada, kuwaa oo kulamo la qaadanaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Wafdigan waxaa ay ka kooban-yihiin ilaa siddeed xubnod,waxaana horkacaya wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee dalka Kuweyt, waxana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federalka Soomaaliya.

Mas’uuliyinta ka socda ururka Jaamacadda carabta waxaa ay Muqdisho kula shireen wasiirka arrimaha dibadda iyo dhiirigelintaJC maalgashiga C/raxmaan Ducaale Beyle.

Waxaa la sheegay inay ka wada-hadleen arrimo ku saabsan xaaladda dalka iyo sidii Jaamacadda Carabta ay gacan uga geeysan laheeyd dib u dhiska iyo horumarka dalka.

Wafdigan ayaa la sheegay inuu hordhac u yahay wafdi sare oo ka tirsan Jaamacadda Carabta oo la filayo ineey dhawaan soo gaaraan Muqdisho.

Soomaaliya waxaa ay xubin ka tahay ururka Jaamacadda carabta,dowladda ayaana muddooyinkii dambe ka codsabaysay taageero.

Hiiraan Net,.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!