Wafdi ka socda qaramada midoobay oo tagay magaalada Buulo Burte

by Yahye | Tuesday, Sep 23, 2014

Buulo Burte; HN;- Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayo isku duwaha arrimaha bini’aadanimada Philippe Lazzarini ayaa maanta gaaray degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.

Wafdiga ayaa u kuur galaya xaaladda nolosha ee dadka halkaas ku nool.

Magaalada Buulo burte iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa ka jirta nolol xumo kadib markii wadooyinka soo gala magaaladaasi aay xireen kooxda Al-shabaab.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cabdifataax Xasan Afrax  sheegay in wafdiga ay kala hadleen sidii loo gargaari lahaa dadka ku dhibaateysan degmada Buulo burte iyo nawaaxigeeda.

Wafdiga Qaramada Midoobay ayaa la kulmay mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo kan degmada, si aay uga wadashadaan sidii loo gar gaari lahaa dadka dhibaateysan.

Wafdiga Qaramada Midoobay ayaa isla maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho oo uu markii hore aay ka soo duulay.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!